2613 Views

Shacabka Soomaaliyeed oo loogu baaqay in ay Shabaab iska dhex saaraan

Shacabka Soomaaliyeed  oo loogu baaqay in ay Shabaab iska dhex saaraan
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | July  01, 2017—Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay iska soo dhex saaraan Shabaabka guryahooda kujira oo ay dowladda gacanta usoo geliyaan.

Waxa uu sheegay in dowladda aysan Al-Shabaab ka guuleysan Karin inta shacabka iyo Al-Shabaabku meel ku wadanool yihiin.

Waxa uu tilmaamay in qodob dastuuri ah uu tilmaamay in shacabka ay dowladda kala shaqeeyaan xaqiijinta amaanka guud ee dalka iyo la shaqeynta Hay’addaha kala duwan.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan dowladda oo Hay’addaha amaanka usoo gudbiyaan macluumaad walbo oo ku saabsan Al-Shabaab.

Madaxda Dowladda ayaa shacabka Soomaaliyeed inta badan ku dhaliila in aysan la shaqeyn Hay’addaha amaanka maadaama qaraxyada ka dhaca Muqdisho intooda badan Saraakiisha amaanka ay sheegaan in laga soo abaabulo meelo ka mid ah Muqdisho kuwa ay Ciidamada amaanka fashiliyaana laga soo qabto garaashyo ku yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment