2520 Views

Soomaali laga barakiciyay xerada Calais oo dib u soo laabtay

Soomaali laga barakiciyay xerada Calais oo dib u soo laabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | July  01, 2017—Kumanaan Qaxooti ah oo laga barakiciyay xerada Calais oo ku taalla magaalo xeebeedka Waqooyiga dalka Faransiiska ayaa dib ugu soo laabtay xeradaas.

Qaxootiga laga barakiciyay xeradan ee dib ugu soo laabtay mar kale ayaa waxaa ka mid ah dad u dhashay Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda gacanta ku haysa Qaxootigan.

C/casiis Axmed oo ka mid ah Soomaalida ku jirta xeradaas, lana hadlay warbaahinta gudaha ee dalkaasi ayaa sheegay Dowladda Faransiiska in aysan siin tixgelin, aysana garaneyn meel kale oo ay ku noolaadaan.

Duqa magaalada Calais ayaa sheegay Qaxootigan in dib loogu celin doono xero ku taalla magaalada Renns oo hada ay ka soo barakaceen, maadaama aanan la ogoleyn xeradan ay hada ku soo laabteen.

Qaxootigan ku sugan dalka Faransiiska ayaa markoodii hore waxa ay Tahriib ku galeen dalka Talyaaniga, halkaasi oo Faransiiska ay ka soo galeen.

Xerada Calais ku taalla ayaa waxaa ku jira Qaxooti garaya 600, kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Eritrea, Ethiopia, Sudan, Afganistan, Syria, iyo Somalia.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ka hortaagayaan Tahriibayaasha nafsadooda ku biimeynaya Badda Mediterraneanka, si aysan ugu dhiman Badda.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment