2745 Views

QM oo ka hadashay Caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya

____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | July  02, 2017—Qaramada Midoobay ayaa isku raacday dhimista ku dhawaad lix boqol oo milyan oo doolar oo ah miisaaniyadda sannadlaha ah ee hawlgaladda nabad ilaalinta.

Mareykanka oo ah bixiya taburacaha ugu badan ee miisaaniyada nabad ilaalinta ayaa soo dhaweeyey tallaabadan, laakiin wuxuu ku baaqay in la sameeyo dhimis kale oo dheeraad ah.

Miisaaniyada hoos loo dhigay ee 7.3 bilyan oo doolar ayaa waxaa isku af-gartay Golaha loo dhan yahay iyadoo lagu maalgalin doono 14 hawlgallo nabad illaalin oo laga wado daafaha aduunka.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa sheegay in dadaal kasta loo sameeyey in lagu fuliyo socodsiinta nabadda inkastoo miisaaniyadda hoos loo dhigay.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment