3072 Views

Dowlada Qadar oo loo kordhiyay wakhtigii loo qabtay in ay ku aqbasho 13-ka shuruudood

Dowlada Qadar oo loo kordhiyay wakhtigii loo qabtay in ay ku aqbasho 13-ka shuruudood
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | July  03, 2017—Sacuudi Carabiya iyo saddex dal oo kale oo Carab ah ayaa 48 saac ku kordhiyay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay Qadar u qabteen si ay u aqbasho shuruudaha ay u gudbiyeen.

Wakhtigii markii hore loo qabtay Qadar si ay u aqbasho shuruudahan ayaa ku ekaa Axaddii.

Shuruudahaas 13ka ah waxaa ka mid ah in Qadar ay xirto warbaahinta Al Jazeera iyo saldhigga milatari ee Turkiga.

Qadar waxay sheegtay in ay jawaabaheeda rasmiga ah oo waraaq ku qoran u diri doonto dalka Kuwayd Isniinta.

Qadar ayaa diiday eedaymaha uga yimid dalalka ay dariska yihiin ee sheegaya in ay taageerto argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa Isniinta u ambabixi doona Kuwayd si uu u sii qaado waraaqdaas oo ka timid boqorka Qadar kuna sii jeedda boqorka Kuwayd oo ah dhexdhexaadiyaha ugu way nee xiisadda Khaliijka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Moxamed bin Cabdulraxman bin Jassim Al-Thani ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu diiday dalabka loo soo jeediyay balse uu diyaar u yahay wadahadallo shuruudo sax ah wata.

Qadar ayay todobaadyo saran yihiin cunaqabatayno dublamaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo aan la sii saadaalinin, kuwaas oo uga yimid Sacuudi Carabiya iyo xulafadiisa Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.

 

W/Q:-Bashiir barre ali 

Xafiiska Wararka   |Qaranimo Online |Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment