3603 Views

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Wasaarada Cadaalada ku booqday khuburo ku howlan diyaarinta Hindiso Sharciyeedyo

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha oo Wasaarada Cadaalada ku booqday khuburo ku howlan diyaarinta Hindiso Sharciyeedyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 3 July 2017 —- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaarada Cadaalada Soomaaliya,waxuuna booqday Waaxda Shaqo Qorista iyo Sharuuc Diyaarinta dalka ,isagoona la kulmay khuburo sharci yaqaano ah oo ku howlan diyaarinta hindiso sharciyeedka Maareenta Maaliyada.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa taasoo keenaysa inuu nagu caawiyo waxyaabaha aan uga baahanahay si’aan uga helno gorsoor ku dhisan cadaalad iyo sinaan, maadaama uu si fiican u fahansan yahay howlaha sharuucda dalka iyo caalamka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ku amaanay Wasaarada Cadaalada sida dardarka leh ee ay u wado shaqooyinka garsoorka iyo sharuucda dalka ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan arko sharci yaqaano ku howlan meel marinta iyo diyaarinta sharciyada dalka kuwaas oo la doonayo in lagu maamulo dalkeena Soomaaliya.”

“Madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada waxaa muuqata inay durba fuliyeen shaqooyinkii loo igmaday maadaama ay xukuumadda usoo gudbiyeen hindiso sharciyeedyo ay ka mid yihiin ladagaalanka Musuq maasuqa iyo Isgaarsiinta haatana ay gacanta ku hayaan sharciga Maareenta maaliyada oo meel gabo gabo ah maraya.”

“Waxaa loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa nidaam ku dhisan garsoor taasina waxaa keenaya in laga shaqeeyo sidii loo dhaqan galin lahaa sharuucda dalka,si loola dagaalamo musuq maasuqa.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa cadaalad,dowladanu waxuu sheegayin looga baahan yahay inay diyaariso aas aaska cadaalada.

wasaarada-cadaalada-5 wasaarada-cadaalada-4 wasaarada-cadaalada-3 wasaarada-cadaalada-2 wasaarada-cadaalada-1

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment