3549 Views

Lamaha Amaanka Dalka Oo Soo Bandhigtay Nin Shabaab ah

Lamaha Amaanka Dalka Oo Soo Bandhigtay Nin Shabaab ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | July  03, 2017—Ciidamada Dowladda  federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay Xasan Axmed cismaan oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Al-shabaab islamarkaana uu yahay shaqsigii shalay bam gacmeedka ku tuuray Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho Gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu iibiyo.

Waxaana xalay lagu soo bandhigay xarunta Dembi barista CID-da.

Afhayeenka wasaaradda amniga Dowladda federaalka Soomaaliya Axmed carab oo warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta dembi barista waxaa uu sheegay in shaqsigaani uu  yahay kii shalay bam gacmeedka Khasaaraha dhimadasha iyo dhaawaca dhaliyay ku tuuray suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho oo ah meel aad u mashquul badan.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Dowladda Soomaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid carab) ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in shaqsigaani baaritan lagu sameyay gacantaasi lagu arkay  astaamo cadeynaya in uu yahay kii shalay bamka ku tuuray suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho.

 

W/Q:-Bashiir barre ali 

Xafiiska Wararka   |Qaranimo Online |Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment