2895 Views

Dowlada Sacuudiga oo diiday inuu yahay isha xagjirnimada

Dowlada Sacuudiga oo diiday inuu yahay isha xagjirnimada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 5 July 2017 —Warbixin ay soo saartay hay’ad samaysa daraasaadka ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeysay inay tahay meesha ugu weyn ee ay ka soo baxaan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Britain.

Warbixintan xambaarsan eedeyntan culus ee ay sameysay hay’adda the Henry Jackson Society ayaa ku soo beegmaysa xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar laga filayo inuu gudbiyo jawaabta dalkiisa ee ku aaddan dalabkii Sucuudiga ee ahaa in Qatar ay joojiso taageeridda argagixisada.

Wasiirrada arrimaha dibada ee dalalka Masar, Sucuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Baxrayn ayaa maanta magaalada Qaahira uga shiraya muranka Khaliijka, afar usbuuc uun ka dib markii ay xiriirka u jareen Qatar.

Warbixinta the Henry Jackson Society ayaa lagu sheegay in shakhsiyaad iyo shirkado Sucuudi ah ay dibadda u dhoofinayeen wax ay hay’addu ku tilmaantay ‘fikradda Wahaabiyada ee aan loo dulqaadan karin’.

Waxa ay sidoo kale ku eedaysay Sucuudi Carabiya munaafaqnimo ku aaddan eedeynta Qatar ay ku eedaysay inay kaligeed maalgaliso argagixisada.

Safaaradda Sucuudiga ee London ayaa beenisay eedeymahaasi, waxayna ku tilmaantay mid been abuur ah. Hase yeeshee qoraaga warbixintan ayaa sheegay in uusan la yaabeyn jawaabta Sucuudiga.

Sacuudigu waa saaxibka ugu weyn ee Britain iyo jaalka xagga baayac mushtarka ee Britain ku leedahay Bariga dhexe.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Britain wuxuu ugu baaqay xukuumadda inay shaaca ka qaaddo warbixinteeda sirta ah ee xagjirnimada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar waxaa lagu wadaa inuu dhawaan shaaca ka qaado jawaabta waddankiisa ee ku wajahan liiska dalabaadka ee ay soo bandhigeen dalalka uu Sacuudigu hogaaminayo, kaasoo la xiriira in Qatar ay taageerto argagixiso.

Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Masar, Sacuudiga, Iimaaraadka iyo Baxrayn ayaa iyagana isugu imaanaya Qaahira si ay mushaakilkan uga arrinsadaan, ka dib markii ay 4 todobaad ka hor aad u wiiqeen xiriirkii ay la lahaayeen Qatar.

Isagoo hadlayey maalin ka hor kulanka ayuu wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee imaaraadka Sheekh Cabdalla Bin Zayed wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Qatar ay qaabkeeda wax ka beddesho.

Madaxda sirdoonka ee 4-ta dal ee ku kacsan Qatar ayaa iyagana Talaadadii kulmay.

XIGASHO:- BBC

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment