3750 Views

Hay’ada UNICEF oo ka deyrisay xaalada caruurta Soomaaliyeed

Hay’ada  UNICEF oo ka deyrisay xaalada caruurta Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 5 July 2017 —Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa magaalada Geneva ka soo saartay warbxin ay kaga hadlayso xaaladda nolaleed ee iminka ay ku sugan yihiin caruurta ku nool dalalka Soomaaliya, Yemen iyo South Sudan, kuwaasi oo ay ka jiraan xaalado adag.

UNICEF waxay warbxinteeda ku sheegtay in caruur tiradoodu gaarayso 4.7 Milyan ay iminka la ildarn yihiin, cuno yari iyo biyo la’aan, waxayna intaasi raacisay in ay dhici karto dhibaatadaasi inay sii kororto 50% isla sanadkan gudihiisa.

Sidoo kale UNICEF waxay sheegtay Tobonaan Kun oo caruur ah in ay halis ugu jiraan dhimasho, kuwaasi oo heysata xaalado, nafaqo daro, biyo la’aan, caafimaad daro, si loo badbaadiyana la doonayo in si deg deg ah wax loogu qabto.

Afhayeenka UNICEF oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in dhibaatada cunta yarida haysata caruurtaasi ay u wehliso cudurka dilaaga ee Cholera oo la sheegy inuu ku faafay degaano badan oo ka mid ah dalalka Soomaaliya, Yemen iyo South Sudan.

Sidoo kale Afhayeenka wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dowladaha Caalamka ay ka gaabiyeen gar gaarida xaaladda ay ku sugan yihiin Caruurta ku nool qaar ka tirsan wadamada Afrika, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Hay’adda UNICEF ay furi doonto Sanduuq loogu gurmanayo Caruurtaasi.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment