2664 Views

Hay’ada UNICEF Oo Shaacisay In Ay Sii Kordhayso Caruurta Muhaajiriinta Oo Kayimaada Wadamo Ay Soomaliya Qayb Katahay

Hay’ada UNICEF Oo  Shaacisay In Ay Sii Kordhayso Caruurta Muhaajiriinta Oo Kayimaada Wadamo Ay Soomaliya Qayb Katahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 5 July 2017 —Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa sheegaysa in 12 milyan oo qof oo ku nool Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ay sanadkastaa ka socdaalaan deegaanadooda.Dadkaas Ayaa waxa ay sheegtay hay ‘adu in intooda badani ay ka kala soo jeedaan wadamo ay kamidyihiin

Soomaaliya,eletria ,Kenya,Tanzania,Maroco,Banagaladesh,iyo Ethopia

In ka badan kala bar tiradaasi ayaa ah carruur Kuwaasi Oo Kala soojeeda wadamada aan soo sheegnay .

Warbixintu waxa ay sheegaysaa in socdaalka ballaaran ee dadkaasi uu salka ku hayo dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin tirada dadka oo korodhay, colaadda iyo isbadelka cimilada.

Sida ay sheegtay UNICEF weli taariikhda laguma hayo in dad tiradaas dhan ay galbeedka iyo bartamaha Afrika ka socdaalaan deegaanadooda.

Todoba milyan oo carruur ah ayaa ka mid ah dadyowga isaga kala goosha xuduudaha sanadkasta.

Inta badan socdaaladaasi ayaa ah kuwo waafaqsan sharciga, gaar ahaanna galbeedka Afrika oo urur shaqaale uu fududeeyo socdaalka caadiga ah ee dadka ka haajiraya wadamadooda.

Iyadoo reer Yurub ay isha ku hayaan dadka Afrikaanka ah ee ka soo tallaabaya badda Mediterranean-ka ayaa warbixintan waxa ay qeexaysaa in dhab ahaantii muhaajiriinta ugu badan ay ku dhex wareegaan qaaradda dhexdeeda.

Balse UNICEF ayaa waxa ay ka digaysaa in tiradaa aadka u badan ay culeys ballaaran saarayaan adeegyada markii horaba aanan wanaagsanayn eeay bixiyaan dowladaha, iyadoo badanaana ay carruurta dhexda ka baxaan.

Warbixintu waxa ay leedahay sababaha socdaalka dadkaasi ayaa ah kuwo aad u adag oo aan la fahmi karin, hasayeeshee isbadelka cimilada ayaa ah arrinta ugu muhiinsan.

Waxa ay warbixintu intaa raacisay in daadadka iyo abaaraha ba’an ay iyaguna saameyn weyn ku reebaan wax soo saarka beeraha.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment