3909 Views

R/Wasaarah Dalka Oo Sikulul Ugu Hadalay Sicirbaraka Laga Soo sheegayo Qayba Kamidah Gobalada Dalka

R/Wasaarah Dalka Oo Sikulul Ugu Hadalay Sicirbaraka Laga Soo sheegayo Qayba Kamidah Gobalada Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 5 July 2017 —Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay xaaladaha sicir bararka ee ka jira gobolada dalka iyo sidoo kale lacagaha been abuurka ah ee ay ka cabanayaan bulshooyinka Soomaaliyeed.

Dhibaatooyin culus oo dhaqaale iyo mid nololeed ayaa ka taagan gobolada dhexe Beledweyne, Guriceel, Caabudwaaq iyo magaalooyin kale, waxaana dadka ay diideen in ay qaateen lacagihii Shilling Soomaaliga, maadaama ay sheegeen in lacago been abuur ah la soo geliyay suuqa.

Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay arrimahaasi la socoto waxna ay ka qabaneyso, arrintana ay tahay dhibaato soo jireen ah oo waqti fog soo jirtay

Khayre ayaa sheegay shirkadaha waa weyn in ay la shaqeeyaan Dowladda, Baarlamaanka marka uu furmo in ay horkeeni doonaan sharciyo badan oo lagu xasilin doono arrinta canshuurta.

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday wax walba oo ay aaminsan yihiin in ay qalad yihiin in ay u soo gudbiyaan Dowladda Soomaaliya, si wax looga qabto.

Waxa uu sheegay Mudane Xasan Khayre canshuurta ay qaado Dowladda in ay aad u yartahay, taasi oo keentay is aaminaad la’aan iyo amni buuxa oo aanan jirin.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto

________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment