2871 Views

Safiirka Soomaaliya ee Ethopia oo ka hadlay Maxaabiista laga sii deynayo Xabsiyada Dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee Ethopia oo ka hadlay Maxaabiista laga sii deynayo Xabsiyada Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 5 July 2017 —Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Amb. Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa ka hadlay maxaabiista laga sii deynayo xabsiyada Itoobiya, isagoo sheegay in maalmaha soo socda dalka lagu celinayo illaa 120 maxbuus.

Safiirka oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in sii deynta maxaabiista ay tahay mid horudhac ah, oo qeyb ka ah is afgarad dhex maray labada dowladdood, isagoo xusay ka hadalka arrinta maxaabiista uu soo bilowday safarkii Madaxweyne Farmaajo ku yimid Addis Ababa iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Waxaa uu sheegay in kaddib la isku afgartay in isaga oo ah Safiirka iyo kuxigeenkiisa ay tagaan magaalada Jigjiga, halkaasoo ay ku xiran yihiin maxaabiis gaaraya 120,

“Maxaabiista aan soo aragnay waxay ku xirnaayeen Jigjiga, si wanagsan ayaa loola dhaqmay, qaarkood waa wareysanay, iskuulo ayay dhigtaan, tababar ay ku shaqeystaan ayaa la siiyay, waxaa la siiyay wacyi gelin”ayuu yiri Safiirka.

Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in maxaabiistan badankood ay u xiran yihiin dambiyo la xiriira inay si sharci darro ah dalka ku soo galeen, iyo qaarkood oo sharcigii dalka ku joogeen ka dhacay.

Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda ay rajeynayaan in lagu soo wareejiyo, isla markaana loo qaadi doono dalka, isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay diyaarado lagu qaado soo diri doonto sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay inay jiraan maxaabiis kale oo ku xiran xabsiyada Itoobiya ayuu sheegay in xabsiga ay tageen Jigjiga ay intaas maxaabiis ku arkeen, balse ay jiri karaan kuwa kale oo ku xiran xabsiyada kale oo aysan war u heyn.

Waxaa uu sheegay in sidii bur burkii u dhaxay Soomaalida ay iska soo galaan Itoobiya, isla markaana isugu jiraan qaar dhulka mara iyo kuwa diyaarad ku yimaada, isagoo xusay inta badan aanay ku soo wargelin, hase ahaatee loo sheego marka ay maqlaan Soomaali xiran ay daba galaan oo ay raadiyaan sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu ku guuleystay in dowladda Itoobiya ay ku wareejiso 120 maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada Itoobiya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maxaabiista qaar ee la sii deynayo ay u badan yihiin kuwo laga qabtay xuduuda Itoobiya, oo badankood u socday Tahriib, kuwaasoo ku xiran xabsi ku yaalla Jigjiga, waxaa la sheegayaa inay jiraan maxaabiis ku xiran xabsi ku yaala duleedka magaalada Addis Ababa.

Maxaabiistaas ayaa waxaa ku jira Wariyaha caanka ah Maxamed Aweys Muudey Boqorka Bartamaha, kaasoo Maxkamad ku xukuntay 27 sanno oo xarig ah, kaddib markii lagu soo eedeeyay tuhun ku saabsan inay ku lug lahaayeen qarax ka dhacay Addis Ababa dhamaadkii sanadkii 2013-dii.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment