3549 Views

Waa Maxay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Xalay Ka Dhacay Muqdisho ?

Waa Maxay Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Xalay Ka Dhacay Muqdisho ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 5 July 2017 —Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xalay lagu dhaawacay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/risaaq Yuusuf Bahlaawi, kaasi oo ka dhacay wadada Taleex gaar ahaan inta u dhaxeysa Masjidka Sheekh C/rashiid iyo Maqaaxida Muscab ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa nuuciisa uu ahaa Miino, taasi oo lagu soo xiray Gaarigii uu watay Bahlaawi, waxayna Qaraxday markii uu marayay wadada Taleex, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Gaarigii uu watay Agaasime Bahlaawi ayaa waxaa nuuciisa lagu sheegay SURF, waxaana uu watay dhowr Askari oo ilaalo u ahaa, kuwaasi oo Qaraxa kadib Rasaas naxdin gelisay shacabka u riday Afarta jiho.

Wariyeyaal goobta uu Qaraxa ka dhacay tagay ayaa waxa ay Qaranimo u Xaqiijiyey  in ay arkayeen Agaasime Bahlaawi oo Gaariga ka sii dagaya, isaga oo dhaawac fudud ka soo gaaray Garabka Midig.

Dhaawaca C/risaaq Bahlaawi ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si halkaasi loogu dabiibo.

Sidoo kale Qaraxan ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray laba Qof oo shacab ah oo mid ka mid ah ay tahay Gabar yar, kuwaasi oo xilligii uu Qaraxa dhacayay goobta marayay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxa ay xireen wadada uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi baaritaano ayay ka sameeyeen, kadibna way isaga dhaqaaqeen.

C/risaaq Yuusuf Bahlaawi ayaa dhowaan laga qaaday xilkii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq, booskii waxaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay C/raxmaan Al-cadaala.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment