10200 Views

DAAWO: Maamulka Beerta Nabadda oo ka cabanaya sharciga Duqa Mgaalada Muqdisho ku soo rogay

DAAWO: Maamulka Beerta Nabadda oo ka cabanaya sharciga Duqa Mgaalada Muqdisho ku soo rogay
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 7 july 2017 | Beerta Nabadda waa dhul qaran oo ahayd Bosteejadii Ceelgaab waa qalad in shaqsi laga kireeyo hanti qaran hadii aysan ahayn mid kaabaysa dhaqaalaha wadanka iyadoo waqtiga la cayimo ama la siiyo shaqsi hanti qaran, sidii hore u dhacday ee in dugsiyadii dowladda ay shaqsiyaad Jaamacado Ganacsi ka dhigteen.
Dunida aan joogno magaala waliba waxay leedahay meelo sidaa ah oo dadku ku kulmaan waana lacag la’aan gelitaankooda waxaa keliya oo ay shuruuddu tahay inaad si nabad ah oo sharaf leh ku dhex mushaaxdid iibsatidna ganacsiga iyo adeegyada shaqsi leeyahay ee goobahaas dhex yaala.
Wuxuu ku doodayaa ninkaan oo laga yaabo inuusan aqoon meeshan waxay ahaan jirtay in uu kireeystay amaankeedana sugo laga yaabee inuusan canshuur ka dhiibin, waxaan kuu sheegayaa in amaanka meel ganacsi kaaga furan yahay ay qasab kugu tahay mar walba, hadii aadan amaankeeda sugi karina isaga tag rag sugaya ayaa joogee, laakiin 2 dollar in shaqsi Soomaali ah Ciidiisii Soomaaliyeed uga qaadid waa sharci darro, waana ku saxsan yahay Gudoomiye Taabit inuu runta u sheego dhiigmiiratada dadka dhiigooda caba – LOOMA BAAHNA MAANTA ISBAARO SHARCIYEEYSAN !

Mustafa Awale – Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment