2598 Views

dhagayso Gaari Aysaarayihiin Dad Shacabah Oo Lagu Rasaaseeyey Wadad Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye

dhagayso Gaari Aysaarayihiin Dad Shacabah Oo Lagu Rasaaseeyey Wadad Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 8 July 2017 —Warar soo  gaaray Warqabadka Qaranimo.com  ayaa waxa uu sheegaya in Gawaari ay la socdeen dad rayid ah  lagu rasaaseeyay deegaanka Calamada oo u dhaxeeya Ceelasha Biyaha iyo Siinkadheer ee duleedka Magaalaa muqdisho.

Gawaarida la rasaaseeyay ayaa waday Meydka qof Eheladooda ah oo geeriyooday si ay usoo aasan,balse rag hubeysan ayaa la sheegay n mid ka mid ah Gawaarida Meydka siday ay rasaas ku furen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka  ayaa Qaranimo.com  u sheegay in Gaariga uu waday Wiil uu dhalay Xaaji Gaaboow islamarkaana ay wadeen meyd,islamarkaana mashaqadaan ay qabsatay xili ay marayeen halka loo yaqaano isbaarada Shabeelle.

Wararka hordhaca ah oo na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayn in ilaa iyo Lix ruux ay ku geeriyooden rasaastaas kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Qoyska Reer Xaaji Gaaboow oo ahaa Qoyska leh Sarta Xaaji Gaaboow oo ku taalla degmada Dharkeenleey ee Gobolkaan Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa uu jiro dhaawaca 4 kale oo Gaariga la rasaaseeyay saarnaa kuwaas oo ahdalagu daweynayo mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

 

 

en

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment