2493 Views

Dowladaha Kumidoobay Midowga Yurub oo lacag ugu Yaboohay Soomaaliya

Dowladaha Kumidoobay Midowga Yurub oo lacag ugu Yaboohay  Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 8 July 2017 —Midowga yurub ayaa ku dhawaaqay in ay kaalmo bini’aadnimo oo dheeri ah ay siinayaan wadamada ay abaartu saameeysay oo ay ka mid yihiin Soomaaliya,Ethopia iyo Kenya.

Midowga yurub ayaa sheegay in ay wadamadaasi ay abaartu ay saameeysay ay ugu deeqayaan lacag dhan 60 million oo yuuro.

Lacagtaan ayaana qeyb ka ah lacago ay horey midowga yurub ay ugu deeqeen wadamada Soomaaliya,Ethopia iyo Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay midowga yurub ayaa lagu sheegay in xaaladda wadamada dhaca bariga Afriga ay kasii darayso mar marka ka dambeysa.

Christos Stylianides oo ah madaxa kaalmada bini’aadnimo iyo ka hortagga musiibooyinka Midowga yurub ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan codsi horay ugu yimid isla markaana ay badbaadinayaan nolosha dad badan oo ay abaartu ay saameeysay oo ku nool wadamadaasi dhaca bari afrika.

kaalmadaan dheeriga ah ee midowga yurub ay ku dhawaaqeen ayaana lagu caawin doonaa dadka ay saameeysay abaarta,Iyadoona lacagtaa loogu soo iibin doono cunno iyo daawooyin looga hortagaayo nafaqo darrada ku dhacday carruurta ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay wadamadaasi .

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment