2682 Views

Wadoomiynka Muqdisho Oo socodkeeda kugu qaadaneyso mudo Saacad ah

Wadoomiynka Muqdisho Oo  socodkeeda kugu qaadaneyso mudo Saacad ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 8 July 2017 —Wadada u dhaxeysa Isgoyasyada Zoope ilaa Km4,ayaa waxaa haatan laga dareemayaa ciriira aad u weyn,iyada oo la arkayo Gawaarida noocyadooda kala duwan oo safdheer ku jira.

Markii aad Gaari ka soo raacdo qeybo ka mid ah suuqa degmada Wadajir ama Isgoyska Banaadir,waxa ay kugu qaadaneysa in aad soo gaarto Isgoyska Taleex mudo Saacad iyo ka badan ah.

Isgoyska Zoope ilaa Km,4,ayaa waxaa isku xiray Gawaari farabadan oo isugu jira nooca yar yar ee raaxada iyo waliba mid ka dadweynaha ee Bii’elka loo yaqaano.

Ciidamada xasilinta amniga Muqdishoa ayaa ku sugan badi Wadoyinka Muqdisho iyaga oo ka wada howlgallo baaritaano ah taas oo mararka qaar saameyn ku yaalata isusocodka Gaadiidka.

Shacabka qaarkood oo arintaan dhibsaday,ayaa mararka qaar sameynaya in ay cagtooda maalaan oo ay lugeeyaan si ay si fudud u gaaraan halkii ay u socdeen.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment