2181 Views

Madaxda Iyo Shaqaalaha Maamulka Soomaaliland Oo Mudo 10 Cisho Gudahood Ah Amar La Duldhigay

Madaxda Iyo Shaqaalaha Maamulka Soomaaliland Oo Mudo 10 Cisho Gudahood Ah Amar La Duldhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 9 July 2017 —Madaxda Maamulka Soomaliland ayaa amar duldhigay Gaadiidka ay isticmaalaan Masuuliyiinta Maamulka Soomaaliland kaas oo aan qaarkood wadan lambaro ama Taargooyin lagu yaqaano ku waas oo ku sugan gobolada uu ka kooban yahay Maamulkaas.

Gudoomiye ku xigeenka Hanti dhowrka Qaranka Soomaliland Siciid Saleemaan mire,oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen dhamaan Gaadiidka Hay’adaha kala duwan ee Soomaliland,basle ay jiraan kuwo aan ku xirneen Gawaarida lambarka loo yaqaano GT, No.

Waxa uu ugu baaqay dadka uu warkaan ku socdo oo ah masuuliyiinta Maamulka Soomaaliland in ay mudo 10 cisho ah Gudahood ay ammarkaan ku Dhaqangeliyaan hadii kale talaabo laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo sii hadalayay ayaa waxa uu sheegay in cidii sababa amni aawgeed u baqeysa ay codsi u dirto taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliland iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulkaas.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment