2292 Views

DEG-DEG:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la wareegay shir guddoonka shirka Golaha Amniga Qaranka

DEG-DEG:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la wareegay shir guddoonka shirka Golaha Amniga Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 10 July 2017 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la wareegay shir guddoonka shirka Golaha Amniga Qaranka oo wali ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo aan illaa iyo hada ka soo bixin wax natiijo ah.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ka cudur daartay shir guddoominka shirka maalintii shalay dhacay, iyadoo xalay uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda ka qeyb galeysa shirka, si uu ugu qanciyo in shirka laga gaaro is faham.

Shirkan oo arbacadii la soo dhaafay uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qorsheysnaa inuu socdo labo maalmood, hase ahaatee uu maalmo dheeraad ah sii qaatay, kaddib markii qodobada qaar ee laga doodayo la isku mari waayay.

Shirka oo Axadii shalay dib la isugu soo laabtay, kaddib maalintii jimcaha oo fasax la galay iyo Sabtidii oo soo gashay furitaankii kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta illaa berri la soo gaba gabeeyo.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxda ay isla garteen illaa iyo hada qodobada qaar, waxaana socota diyaarinta war murtiyeed laga soo saarayo shirka.

Deeq bixiyeyaasha caalamka oo balan qaaday inay bixinayaan qarashaadka ku baxaya dhismaha ciidamada gaaraya illaa 18 kun ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee la isku haayo cida maamuleysa, iyadoo laga cabsi qabo in maamul goboleedyada ay awood ku yeeshaan maamul goboleedyada

Golaha Amniga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, ayaa ku socda wadadii Madashii Hoggaanka Qaran ee horay ula wareegay talooyinkii dalka iyo awoodii Baarlamaanka, iyadoo Golahan uu durbaba shaqo fadhiisin dadban ku sameeyay kaalintii Wasaaraddaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Taliyeyaasha ciidamada.

wwwwqqq

66666

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment