2226 Views

Shirka Golaha Wasiirada oo markii u horeysay todobaadkan ka dhacaya meel ka baxsan Muqdisho

Shirka Golaha Wasiirada oo markii u horeysay todobaadkan ka dhacaya meel ka baxsan Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 10 July 2017 — Warar ay heshay Qaranimo.com ayaa sheegaya in Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya khamiista soo socota uu ka dhici doonto magaalada Kismaayo maamulka Jubbaland, taasoo noqoneysa markii u horeysay ee Shirka Golaha Wasiirada lagu qabto meel aan aheyn Muqdisho, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ka baxday Kumeel gaarka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in Golihiisa Wasiirada uu ku wargeliyay inay isu diyaariyaan safar ay ugu ambabaxayaan magaalada Kismaayo, oo halkaas lagu qaban doono shirka Golaha Wasiirada.

Wafdiga ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa u ambabixi doona Kismaayo, iyadoo magaalada laga dareemayo diyaar garowga soo dhoweynta wafdiga, iyo sugida amniga.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo ay socdaan howl galo ka bilowday xaafadaha magaalada.

Shirarka Golaha Wasiirada ayaa horay uga dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar, xilligii Ra’iisul Wasaarayaashii hore Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur  Cadde, xilligaasoo dowladda aheyd mid KMG ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay xarumaha maamul goboleedyada dalka ku qabato shirarka Golaha Wasiirada, si ay uga baxdo xeyndaabka Muqdisho, oo xukuumad walba oo la soo dhiso aan dhaafin.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment