2706 Views

Soomaaliland Oo Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Soomaaliland Oo Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 9 July 2017 — Maamulka puntland ayaa Maamulka Soomaaliland waxa ay ku eedeeyeen in ay taageero weyn siiyaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee mararka qaar weerarada ka geestaa Magaalooyin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta Maamulka puntland Cabdi Axmed Caashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarada mararka qar Al-Shabaab ay ka geestaan Puntland gaar ahaan Buuraha Calmadoow ay u fududeeyaan masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in ay Al-Shabaab ka soo talaabaan dahnka Magaalada Ceeri-Gaabo,islamarkaana dhaawacyadooda ay halkaasi la aadaaan sida uu hadalka u dhigay.

Soomaaliland weli jawaab cad kama bixin hadalka ka soo baxay Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Maamul goboleedka Puntland.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment