4023 Views

Waraysi : Jaamac Maxamed Qaalib oo ka jawaabaya sababta uu isaga casilay xilkii loo magacaabay ee Gudoomiyaha Guddiga Taakulaynta Ciidamada !

Waraysi : Jaamac Maxamed Qaalib oo ka jawaabaya sababta uu isaga casilay xilkii loo magacaabay ee Gudoomiyaha Guddiga Taakulaynta Ciidamada !
____________________________________________________________________________



HANGARAARAC LUG UMA DHUTIYO !

Jaamac Maxamed Qaalib waa nin siyaasi ah oo waqti dheer ku soo jiray Siyaasadda Soomaaliya, waa 90 jir ka soo qabtay Xilal sare Maamulladii wadanka sida Madaxa Sirdoonka doowladihii 1960-69, ka hayay waqti dheer xilka Taliyaha Ciidanka Booliska xukunkii Kacaanka, intaa waxaa u sii dheer inuu ahaa shaqsi dantiisa yaqaana isagoo la saqaysan jiray xukumadahaas.

Burburkii Soomaaliya kedib wuxuu ka mid yahay Siyaasiyiinta ka soo jeeda waqooyiga ee ku sugnaa Muqdisho iyo koonfurta isagoo ka mid ah siyaasiyiin la sheegay inay xiriir hoose aadna u adag la leeyihiin Maamulka Somaliland.

Waxaa jira in uu ka mid ahaa ururadii Muqaamimada oo markii danbe ay ka farcameen Al-shabaab & Xisbul Islaam iyadoo uu hogaanka u qabtay Shabaab Ina Godane kaasoo u qaabilsanaa siyaasadda ah qasidda iyo argagixinta Koonfurta halka Jaamac yare uu u qaabilsanaa xasilooni siyaasadeed la dirirka Koonfurta iyadoo labaduba hadafkoodu ahaa in koonfurtu qasnaato waqti dheer si Waqooyigu u helo aqoonsi.

Wuxuu ka soo horjeestay dhamaan Maamulladii ku meel gaarka ahaa wadanka isagoo sal uga dhigayay inay isticmaarka u shaqeeyaan, laakiin maanta markuu arkay in Siyaasadda Soomaaliya ay jidkii uu fahmayo inuu yahay mid ka duwan kii hore iskuna dayayo inuu xagal daaciyo.

SABABAHA UU XILKA KU DIIDAY

  1. Isagoo arkay in isla xisaabtan yimid, maamul shaqaynaya shacbiyad lehna u muuqday
  2. sagoo arkay in meesha ay ka baxeen waxyaabihii uu ku sheegi jiray dowladihii ku meelgaarka, isticmaarka Ethiopia iyo beesha Caalamkana runta loo sheegayo.
  3. Isagoo culays u arkay ciidamadda qaran ee dhismuhu ku socdo.
  4. Iyadoo culays uga yimid in uusan noqon sharsi reer waqooyi ah oo sharaf iyo maamuus ku hela dhismaha iyo dib u igmidda qaran Soomaaliyeed.

Mustafa Salad Awale

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment