2451 Views

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Beeniyay Mooshinka Ka Dhanka Ah Xukuumadda

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Beeniyay Mooshinka Ka Dhanka Ah Xukuumadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 10 July 2017 — Dhawaanahan waxaa jiray xooraansi ku aadan in ay jiraan Xildhibaano ka tirsan kuwa dowaldda Federaalka Soomaaliya in ay wadaan mooshin ka dhan ah xukuumada Soomaaliya,balse arinkaas ayaa hada been abuur lagu tilmaamay.

Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil  oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in asyan jirin madmadoow soo kala dhexgalay iyaga iyo Xukuumadda.

Waxay kaloo hadalkooda intaas ku dareen in Wararka leesla dhexmaraya ee ah in xildhibaanadu ay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Xukuumadda in uu yahay mid been abuur ah islamarkaana aan waxba ka jirin.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan,aaya habeen ka hor sheegay in cidii lagu arko iyada oo mooshin wada ay iyaga iyo Shacabka guryahooda ugu tegi doonaan islamarkaana ay garaaci doonaan.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment