2487 Views

AMISOM oo ka guuraysa Saldhig ku yaal Gudaha Magalada Muqdisho

AMISOM oo ka guuraysa Saldhig ku yaal Gudaha Magalada  Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11 July 2017 —Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo Muddo ku dhow 10 Sano deganaa Jaamacadda Gaheyr ayaa saakay ugu dambeyntii ka guuraya xarunta Jaamacadda.

Ciidamada dowladda Burundi ayaa Sanadkii 2007dii degay Jaamacadda Gaheyr qeybteeda Degmada Dharkenley.

Sida ay Qaranimo .com u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska , waxaa goobta ay ka guuraya Ciidamada AMISOM degi doono ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Wararka waxa ay sheegayaan Ciidamada Gaheyr ka guuraya in ay aadayaan Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ,halkaasi oo ay ka sameysteen Saldhig.

Guud ahaan maanta waxaa xiran wadada dheer ee ka timaada Ex-Control Afgooye illaa Isgoyska KM4, sababtana waxaa lagu sheegayaa inay tahay ciidamada Amisom ee Saldhigaasi ka guuraya.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment