2586 Views

Ammanka Magalada Kismaayo Oo Maanta Siweyn Loo Adkeeyey

Ammanka Magalada Kismaayo Oo Maanta Siweyn Loo Adkeeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11 July 2017 —Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ammaanka Magaaladaasi si weyn loo adkeeyay .

Ciidamada isugu jira Kenyaan iyo Soomaali ayaa la geeyay Duleedyada iyo Kontoroolada laga soo galo Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay baaritaan ka waddaan Gudaha Magaalada.

Dadka Magaalada Kismaayo ayaa Risaala u sheegay in xataa ay saakay xiran yihiin Ganacsiyadda ka agdhow Madaxtooyadda Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la sheegay in Golahiisa Wasiirada uu ku wargeliyay in ay isku diyaariyaan safar ay ugu ambabaxayaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu qaban doono shirka Golaha Wasiirada todobaadkan.

Wafdi ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u ambabixi doona magaalada Kismaayo, iyada oo magaalada laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment