2577 Views

Shirweynaha Dib u’eegista dastuurka Oo La Shaaciyey Xiliga Uu Furmayo

Shirweynaha Dib u’eegista dastuurka Oo La Shaaciyey Xiliga Uu Furmayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 11July 2017 —Wasiirka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo wareysi siiyay Qaranimo.com ayaa ka warbixiyay Shirweynaha dib u eegista Dastuurka Dalka.

Waxa uu sheegay in Bartamaha bisha soo socoto ee Agoosto la qabanayo Shirweynaha dib u eegista Dastuurka Dalka isla markaana ay ka qeyb galayaan dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Shirarka wadatashiga ah ee hanaanka dib u eegista Dastuurka la soo gabagabeyn doono 24 bishaan Julaayo waxa uu shirarkaasi ku sheegay iney yihiin shirar wadatashi oo ka socda Magaalooyinka Maamul goboleedyada Dalka.

Wasiir Xoosh Jibriil ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dadka Soomaaliyeed dhamaantood laga qeyb gelinayo Barnaamijyada dib loogu egayo Dastuurka.

Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee dib logu eegayo Dastuurka, Waxa ay Wasaaradu bilihii ugu dambeeyay Shirar Wadatashi ku qabatay Caasimadaha Maamul goboleedyada Dalka sida Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment