4899 Views

Xildhibaan Axmed Macali Fiqi oo ka hadalay hadalkii Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

Xildhibaan Axmed Macali Fiqi oo ka hadalay hadalkii Sheekh Nuur Baaruud Gurxan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  11  July  2017 – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal habeen hore ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, isagoo ku tilmaamay mid halis gelinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan Xildhibaanada

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku sheegay in hadalka Sheekh Nuur uu yahay mid hanjabaad toos ah oo halis galin kara nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka

“Hadalkii Sh. Nuur Baaruud habeen dhoweyd uu ka yiri akadeemiyadda Booliska ee isugu jiray kicinta, goodinta, nacayb abuurka iyo xaalad aan jirin abuurka kuna wajahnaa xildhibaanada labada gole ee dawladda Federaalka ah, wuxuu ahaa hadal gef ku ah barlamaanka dawladda federaalka ah, dastuurka dalka isla markaana halis galinaya xasiloonida siyaasadeed ee dalka iyo tan xildhibaanada”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale yiri “Waxaa wax laga xumaado ah in madaxda sare ee dalku ay goobta waxaasi ka dhacayeen fadhiyeen, ayagoon wax fal celin ah arintaas ka dhihin, ayadii arintaasi aheyd hanjabaado toos ah oo halis galin kara nolosha xildhibaanada barlamaanka.

Waxaa uu sheegay in hadalka Sheekha aanay aheyn mid ku qotoma arrin jirta, isla markaana uu ahaa mid mala-awaal iyo buun buunin been ah oo ay abuureen kooxo dowladnimada diidan, sida uu hadalka u dhigay.

“Barlamaanka Dowladda Federaalka waa mid ka mid ah hey’adaha saddexda ah ee dawladda waana saldhigga dawladnimada, cidda hey’adaha dawladda midna soo dhoweysata midna diida waa cid ka soo horjeeda dawladnimada, waana kuwo maslaxadooda gaarka ah doonaya in ay fushadaan”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu yahay ilaaliyaha Dastuurka qaranka, isagoo ugu baaqay in gefkaas uu jawaab waafi ah ka bixiyo, hadda kadibna uusan marqaati ka noqon meel loogu gefayo hey’addaha dowladnimada ku taagan tahay, sida Baarlamaanka.

Waxaa uu ugu baaqay Sheekh Nuur Baaruud inuu hadalka aan munaasibka aheyn ee ka dhacay uu ka noqdo, kana cudur-daarto sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Xarunta Gen. Kaahiya ayaa sheegay in cidii mooshin wada meelaha ay joogaan uga galayaan, isla markaana ayaga iyo shacabka oo garaacayaan.

W/Q:-Bahiir Barre Ali 

Xafiiska Wararaka |Qaranimo Online| Muqdisho 

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment