3975 Views

Cabdiwali Gaas : Dalku wuxuu u baahan yahay ciidamo leh Astaan Qaran

Cabdiwali Gaas : Dalku wuxuu u baahan yahay ciidamo leh Astaan Qaran
____________________________________________________________________________

Garoowe | QOL | July, 13, 2017 – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kana mid ahaa madaxdii ka qeybgashay shirkii gollaha amniga Qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, ayaa ka hadlay arinta ku saabsan dhismaha ciidamo Qaran oo isku dhaf ah.

DAAWO

Madaxweyne Gaas ayaa isaga oo jooga Garoowe  sheegay in dalkan u baahan yahay sida uu hadalka u dhigay ciidamo leh Astaan Qaran oo soo celiya nabadii iyo kala danbeyntii dalka, isaga oo meesha ka saaray warar leysla dhaxmaryay oo sheegayay in uu soo jeediyay Cabdiwali Gaas in dhismaha ciidamadaas lagu saleeyo nidaamka 4.5-ka.

‘’Wararkaasi waa ay ahaayeen kuwo warbaahinta oo kaliya ku eg, ma jiraan ciidamo lagu saleynayo 4.5, dalku wuxuu u baahan yahay ciidamo leh Astaan Qaran’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in sida kaliye ee looga adkaan karo kooxaha argagixisada ayuu sheegay in ay dadku bixiyaan canshuurta.

‘’Waa in shacab iyo ciidan la wada shaqeeyo, leys bar bar taago ciidamada, haddii aysan labada dhinac wada shaqeynin suurtagal ma’aha in lagu guuleysto howlaha amniga lagu sugayo’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay soo baxayeen warar sheegaya in hogaamiyayaasha Soomaalida isku khilaafeen sida loo soo xulayo ciidamada ka kala imanaya maamul gobolleedyada dalka.

.

.

_______________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment