2577 Views

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada
____________________________________________________________________________

Kismayo | QOL | 13 July 2017 – Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyey Wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin ku aadan marxaladaha uu soo maray Xeerka oo Baarlamaankii hore uu horey u ansixiyey bishii Diseember 2015.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Sababaha keenay in wax-ka bedel loogu sameeyo Xeerkan Saxaafada ayaa aheyd cabashooyin ka yimid suxufiyiinta Soomaaliyeed oo qodobo ka mid ah u baahdeen in wax laga bedelo sida qodobka 35aad oo sheegayey in suxufigu uu heystaa shahaado jaamicadeed ee suxufinimo. Sidaad daraadeed ayaan qodobkan wax uga bedelnay iyo sidoo kale qodobyo kale oo ka mid ahaa Xeerkan.”

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ballaaran la yeelatay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad-Goboleedyada, bahda warbaahinta Soomaaliyeed, Somali Media Support Group iyo dhammaan dadka ay khuseyso. Tanoo keentay in qodobada la isku raacay lagu bedelay kuwii cabashooyinka ka timid.

Xeerkan Saxaafada oo ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen maanta ayaa loo gudbin doonaa Golaha Shacabka si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.

golaha-wasiirada-xeerka-saxafada-1 golaha-wasiirada-xeerka-saxafada-2

.

.

_______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment