3012 Views

Dowlada Soomaaliya Oo Shaacisay xilliga la helayo Adeegga Internetka

Dowlada Soomaaliya Oo  Shaacisay xilliga la helayo Adeegga Internetka
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 14 July 2017 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay maalmaha bilowga Todobaadkan in la helayo Adeegga Internetka, kaasi oo dalka ka maqan mudo ku dhow Saddex Todobaad.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay kulankii Golaha Wasiirada ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo in Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta looga dhageystay warbixin ku aadan aalada Internetka.

Wuxuu sheegay Wasiir (Eng. Yariisow) in Wasiirka uu xaqiijiyay in uu yimaadeen Markabkii iyo shaqaalihii sameyn lahaa Internetka, lana rajeynayo in uu u howlgalo si deg deg ah, si maalinka Axada wixii ka dambeeya loo helo Adeeggii Internetka.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay xukuumada in shacabka ay uga cudur daaraneyso maqnaashaha Internetka, balse ay socdaan dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu sameyn lahaa.

Wasiirka Warfaafinta oo sii hadlaya ayaa sheegay Golaha Wasiirada in lala xisaabtami doono shirkadaha Internetka, si aysan mardambe u dhicin arrintan oo kale.

Maqnaashaha Internetka ayaa saameyn weyn ku yeeshay guud ahaaan dalka, gaar ahaan xarumaha Dowladda, Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo xarumaha ganacsi, sidoo kale Dowladdu waxay horey u sheegtay in maalinkii ay khasaarto Toban Million oo Dollar, maqnaashaha Internetka awgeed.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI 

Xasiiska bWararaka |Qaranimno Online | Muqdisho 

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment