2661 Views

Wasiir Xoosh “Safar hawleedkii aan ku tagnay Cadaado waxa uu ku soo dhamaaday guul”.

Wasiir Xoosh “Safar hawleedkii aan ku tagnay Cadaado waxa uu ku soo dhamaaday guul”.
____________________________________________________________________________

Cadaado  | QOL | june 16, 2017 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka warbixiyay safarkii wafdi uu hogaaminayay ay ku tageen magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Galmudug.

Mudane Xoosh ayaa sheegay in ay kulan ay la yeesheen Ku-Simaha Madaxweynaha Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug.

“Shirarkii aan ku galnay Cadaado waxaa ugu horeeyay mid aynu la yeelanay Ku-simaha Madaxweynaha Galmudg iyo Xubno katirsan labada Gole ee Galmudug, waxa ay ina la wadaageen talooyinkoodii ku aadanaa Qorshaha Guud ee aan diyaarineyno si Geedi-Socodka dib-u-eegista Dastuurka uu ugu soo dhamaado guul” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ka hadlay kulan kale oo muhiim ahaa oo ay Wasaaradda u qabatay Ururada Bulshada Rayidka ee Galmudug.

“Waxaa kaloo jiray shir muhiim inoo ahaa oo aanu la yeelanay Bulshada Rayidka ee Galmudug, iyaga oo talooyin wax ku ool ahaa ka bixiyay Qorshaha Guud; waxa uu inoo ahaa kulan kale oo inagu dhiirageliyay in aanu shacabkeena marwalba talooyinkooda ku shaqeeyno tasoo ka dhigan in safarkeenii uu ku soo dhamaaday guul” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Wafdiga ka socday Wasaaradda ayaa sidoo kale booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug, iyaga oo kulan la qaatay Wasiirka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali iyo qaar kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Dastuurka ee Galmudug, waxa ayna labada dhinac ku ballameen in wadashaqayn joogta ah la yeesho.

Gunaanad, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdigiisa ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho iyaga oo maalmaha soo socda u ambabixi doona caasimadaha kale ee dawlad goboledyada dalka si loo gaarsiiyo kulamada wadatashiga

xoosh-cadaado-5 xoosh-cadaado-4 xoosh-cadaado-3 xoosh-cadaado-2 xoosh-cadaado-1

.

.

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment