2871 Views

AMISOM oo beenisay warar ay baahiyeen warbaahinta Muqdisho

AMISOM oo beenisay warar ay baahiyeen warbaahinta Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17, Julay 2017- Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa iska dafiray warar ay baahiyeen qaar ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee ka howl gala magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa in mid ka mid ah gaadiidkooda uu qof haweeney ah ku dilay duleedka Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in 9-kii bishan July kolonyo ciidan oo ay lahaayeen qarax miino lagula eegtay agagaarka deegaanka Arbacow oo qiyaastii 20KM waqooyi galbeed ka xiga magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa sheegtay in qaraxaas uu ka dhashay dhaawac iyo bur bur xoog leh  soo gaartay mid ka mid ah gaadiidkooda.

Askari ka tirsan ciidankooda ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxa iyo qof haweeney ah oo ka ag dhoweyd halka uu qaraxa ka dhacay.

Haweeneyda dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegay inay laheyd Uur, iyadoo deg deg loogu qaaday isbitaalka AMISOM ee heerka labaad, halkaasoo lagu daaweeyay, iyadoo markii dambe loo gudbiyay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa sheegtay in xaalada haweeneyda ay aad u wanaagsan tahay, ayna ku jiro helida daryeel.

Hase ahaatee waxaa ay wax laga xumaado ku tilmaamtay in haweeneyda oo ku dhaawacantay firirka qaraxa lala beegsaday gaadiidkooda laga been abuuray oo la yiraahdo AMISOM ayaa dishay, taasoo ay ku tilmaameen mid sumcada looga dilayo.

AMISOM ayaa sheegtay in had iyo jeer ay dooneyso inay warbaahinta la wadaagto dhacdooyin sax ah, si loo dadka loo gaarsiiyo warar ka turjumaya xaqiiqda, waxaana ay ugu baaqday Wariyeyaasha inay si xirfad iyo cadaalad ku jirta ku saleeyana wararkooda oo aanay marin habaabin shacabka.

.

W/Q:-Bashiir  Barre Ali 

Xafiiska  Wararka || Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment