2646 Views

Dag-Dag :- Qoys kunool magalada Hargaysa oo xabsiga loo taxaabay

Dag-Dag :- Qoys kunool magalada Hargaysa oo xabsiga loo taxaabay
____________________________________________________________________________

Hargeysa | QOL | 17–julay -2017 – Ciidamada Booliiska Maamulka Soomaaliland ayaa Xabsiga dhigay tiro dhalinyaro ah iyo Waalidiintooda kuwaas oo Shaqaaqo rabshado dhaliyay ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Hargeysa.

Dhalinyaradaan oo degan Xaafadaha Cabaaye iyo Daami ee la xir xiray ayaa bilaabay in ay sitoos ah u wada dagaalamaan taas oo keentay in laba ka mid ah dhalinyaradii ay geeriyoodaan.

Xiisadii ayaa weli ka taagan Magaalada Hargeysa,waxaana Xabsiga ku jira tiro dhalinyaro ah iyo Waalidiintooda oo ay ciidamadu xireen si rabshaduhu u istaagaan.

Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa  Booliiska Soomaaliland ayaa haatan ku sugan Xaafadihi lagu dagaalamay ee Cabaaye iyo Daami ee Magaalada Hargeysa si aysan dib usoo laaban dagaalka dhexmaray dhalinyarada kala degan Xaafadahaas.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Haragaysa 

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment