3075 Views

Ganacsatada Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal oo amar culus lagu soo rogay

Ganacsatada Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal oo amar culus lagu soo rogay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 Julay 2017 – Degmada Burtinle 100 Dolar waxaa lagu safirayay afar malyan oo shalinka  soomaali ah waxaana taasi ay keentay in shacabkii ay dhigaan dibad baxyo rabshada wadta oo ka dhacay gudaha degmada Burtinle taasi oo keentay dab la qabadiiso Xurumo Gancsi oo gaar loo leeyahay.

Gudoomiyaha degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Buurdibi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  in Ganacsatada iyo Maamulkaba ay Xal ka gaareen qiimaha  Sarifka lacagta shilin soomaaliga ooo sare u kacday.

Waxa uu sheegay in aan la isticmaali Karin lacago been abuur ah kuwaas oo lagu soo sameeyay qeybo ka mid ah Gobolada Dhexe ee dalka soomaaliya,cidii lagu arkaana talaabo laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba Shacabka ku nool degmada burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa aad usoo dhaweeyay talaabadaan uu qaaday maamulka degmda Burtinle ee Gobolka Nugaal.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka |Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment