2079 Views

Howlagalo xoogan oo kasoconaya xadka dalka Kenya iyo Soomaliya

Howlagalo xoogan oo kasoconaya xadka dalka Kenya iyo Soomaliya
____________________________________________________________________________

Kenya | QOL | 17 Julay 2017 – Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa howlgallo culus waxa ay ka waddaan xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan , waxaana howlgalladaasi lagu baadigoobaya dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkaan lagu xaqiijinaayo amaanka Xuduudka labada dal oo inta badan  Al-Shabaab ay kasoo gudbaan,islamarkaana ay Weeraro ka geystaan Gudaha Kenya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay intii howlgalka ay ku jireen in ay soo qabteen dhalinyaro lagu tuhmaayo in ay Shabaab xiriir laleeyihiin.

Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafay laba jibaaray howlgallada ay ka waddaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa Weeraro Khasaare badan dhaliyay ku qaaday dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari, waxaana horraantii Bishaan Bandow lagu soo roggay degaano ka tirsan dalka kenya.

.

Xafiiska  Wararka | Qaranimo online | Kenya 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment