225 Views

Howlgalkii ugu xoganaa oo iminka kasoconayo Garoowe

Howlgalkii ugu xoganaa oo iminka kasoconayo Garoowe

Garoowe  | QOL | 17 Julay 2017- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Garowe.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida Ay usheegeen qaranimo .com sarkiisha ciidamada amaanka ee maamulka putland

howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Garowe.Dhanka kale

Saraakiisha Ciidamada Amniga Magaalada  ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa horay u sheegay in ciidamada Ammaanka ay sii waddayaan howlgallada inta  loo soo qabqabanaayo kuwa lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Garoowe

___________________________________________________ 

 

Share This Post

Post Comment