2439 Views

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo tababar u furay ciidamo isku dhaf

Maamulada Galmudug iyo Puntland oo tababar u furay ciidamo isku dhaf
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 Julay 2017 – Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta waxa ay Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo C/laahi Yuusuf Tababar ugu fureen Ciidamo isku dhaf ah, oo ka shaqeynaya amniga guud ee gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa si rasmi ah u furay Tababarkan.

Ciidamadan oo horay loo diyaariyay ayaa Tababarkooda kadib waxa ay ka shaqeyn doonaan sidii ay Nabad ugu soo dabaali lahaayeen magaalada Gaalkacyo oo horey ay uga dhaceen Dagaalo.

Madaxweyne ku xigeenada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay Ciidamadan in ay dhowaan holwgali doonaan, si loo ambaqaado howsha ku aadan sidii gobolka Mudug looga hirgelin lahaa Nabadgelyo dhab ah.

Shacabka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa aad u soo dhaweeyay Ciidamada isku dhafka ah ee loo sameynayo magaaladaasi, waana markii ugu horeysay ee Ciidamo isku dhaf ah loo sameeyo Gaalkacyo.

.

W/Q:-Bahiir Barre ALI 

Xafiiska | QaranimoOnline | Muqdisho 

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment