2094 Views

Mudo Farabadan Kadib Interned-kii Koonfurta Dalka oo dib loo helay

Mudo Farabadan Kadib Interned-kii Koonfurta Dalka oo dib loo helay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |17–Julay –2017 – Muddo 23 maalmood kadib ayaa waxaa qadka internet-ka dib looga helay Koonfurta Soomaaliya, kadib markii Fiiladii Internet-ka 24-kii Bishii hore uu jaray markab.

Maqnaanshaha Qadka Internet-ka ayaa wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshay shaqooyin badan oo dadka ay qabsan lahaayeen, waxaana taasi ay keentay in gaab ay ku yimaadaan shaqooyinkaasi.

Dowladda Somaliya oo juhdi badan ku bixisay sidii loo sameyn lahaa qadka Internet-ka ayaa ugu dambeyn maanta oo Isniin ah waxa ay ku guulaysatay sameynta Qadka Internet-ka inkastoo uusan aheyn sidii hore.

Shaqooyinka muddadii uu maqnaa qadka Internet-ka gaabka galay waxaa ka mid ah, bixinta Baasaboor Somaliga oo adeega Internet-ka lagu bixin jiray, shaqooyinka xawaaladaha, Idaacadaha iyo Hay’adaha NGO-yada ah.

Dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ayaa isugu hambalyeynaya dib u helida addeega Internet-ka ee Xawaaraha dheereeya oo muddo 23 maalin ah ka maqnaa Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Internet-ka ayaa ka mid noqday waxyaabaha dadka aduunka ku nool hadda ay toos ugu wada xiriiraan, maadaama aalado kala duwan oo casri ah lagu isticmaalo sida Facebook, Viber, IMO iyo qadad kale oo Bulshada ay ku wada xiriiraan.

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka |Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment