2094 Views

Ra’isul wasaare qaabilay wiil yar oo loogu magac daray

Ra’isul wasaare qaabilay wiil yar oo loogu magac daray
____________________________________________________________________________

Canada | QOL | 17 JULY 2017- Ra’isal wasaaraha Canada, ayaa la kulmay wiilkii yaraa ee loogu magac daray ee Justin Trudeau, oo ay dhaleen qoys qaxooti Suuriyaan ah, waxaana ay ugu magac dareen si ay ugu mahad celiyaan siyaasigaa dalkiisu magangelyada siiyey.

Wiilkan yar oo laba bilood jirka ah oo magaciisoo buuxaa yahay Justin Trudeau Adam Bilan, ayaa markii uu Ra’isal Wasaaruhu qaaday gama’sanaa, waxaanay xafladda uu Ra’isal Wasaaruhu ku qaabilay qoyska ilmahaa yar dhalay ka dhacday Calgary Stampede .

Wiilkaan yari wuxu ku dhashay Calgary bishii May ee sannadkan dhawr bilood uun ka dib markii walidkii iyo labada caruurta ah ee ay walaalaha yihiin ka qaxeen Suuriya.

Markii qoyskani gaareen Montreal bishii Feeberweri sannadkii hore, Ra’isal Wasaare Trudeau madaarka kagama hor iman oo kuma soo dhawayn sidii qaxootigii kale ee Suuriya ka tagay.

Hase ahaatee, waalidka ilmahan yar dhalay Maxammed iyo Cafraa Bilan ayay la noqotay in ay si uun ugu mahad celiyaan, waxaanay wiilkii u dhashay ugu magac dareen ra’isal wasaaraha Canada, Justin Trudeau.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Canada

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment