2478 Views

Shirkad laga leeyahay Turkiga oo qalab ku wareejisay DF Soomaaliya

Shirkad laga leeyahay Turkiga oo qalab ku wareejisay DF Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdosho | QOL | 17 Julay 2017 Shirkadda Al-bayrak ayaa maanta Dowladda Soomaaliya ku wareejisay qalab loogu tala galay Dekeda Muqdisho, kaasi oo isugu jira qalabka rarida iyo dejinta.

Qalabkan oo si gaar ah loogu wareejiyay Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys ayaa isugu jira Wiishas, agab lagu qaado xamuulka, Cagaf-cagaf iyo qalab kale.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys oo warbaahinta kula hadashay gudaha Dekada ayaa waxa ay sheegtay qalabkan in uu muhiim u ahaa Dekada, wax badan uu ka tari doono.

Waxa ay sheegatay muhiim in ay aheyd qalabkan in mar hore la keeno, laakiin howlo badan oo jiray awgeed ay dib u dhaceen, balse wixii hada ka dambeeya lagu fududeyn doono shaqada Dekada.

Maryan Aweys ayaa u mahadcelisay shirkadda Albayrak, waxayna ka codsatay in ay kordhiyaan dadaalka ay wadaan oo ay ku hormarinayaan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Wasiir Maryan ayaa sheegtay Dekada in ay tahay laf dhabarta dalka, lana rabo in howlaheedii ay sii socdaan oo aysan hakad gelin.

Dhanka kale Axmed Saami oo ah masuulka shirkadda Albayrak ee Dekada ayaa sheegay hadii ay yihiin shirkadda Al-bayrak in ay ku dadaalayaan mar walba in ay keenaan wax walba oo looga baahan yahay.

Wuxuu kaloo sheegay Axmed Saami qalabkan ay keeneen in uusan halkan ku ekaan doonin oo agabyo kale ay keeni doonaan, isaga oo Alle ka baryay qalabkan in uu noqdo mid ummadda Soomaaliyeed ay ku faa’idaan.

Shirkadda Albayrak ayaa ah shirkada gacanta ku heysa Dekada Muqdisho, waxaana ay ka qeyb ka aheyd shirkadihii ka qeyb qaatay in ay wax ku bixiyaan Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

120

.

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment