2559 Views

Wasarada vBoostada Iyo Isgaarsiinta Dalka Oo Ka Hadshay Soo Labashada Internedka Dalka

Wasarada vBoostada Iyo Isgaarsiinta Dalka Oo Ka Hadshay Soo Labashada Internedka Dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Qol | 17–julay —2017–Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay Guddiga Khubaro ah in loo saarayo in ay soo baaraan khasaarihii ka dhashay mudadii uu maqnaa Internetka.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaariisnta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur oo maanta warbahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kharashka khasaare ahaan u soo gaaray Ganacsatada mudadii uu maqnaa Internetka.

Wuxuu sheegay Wasiirka dhaqaale fara badan in uu ku lumay intii uu maqnaa Adeegga Inernetka ee Viber Optico, isaga oo sidoo kale tilmaamay in la sameyn doono Guddi soo baara dhaqaalaha rasmiga ee ku lumay maqnaasha Inernetka.

Muddo 23 maalmood kadib ayaa waxaa qadka internet-ka dib looga helay Koonfurta Soomaaliya, kadib markii Fiiladii Internet-ka 24-kii Bishii hore uu jaray markab.

Maqnaanshaha Qadka Internet-ka ayaa wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshay shaqooyin badan oo dadka ay qabsan lahaayeen, waxaana taasi ay keentay in gaab ay ku yimaadaan shaqooyinkaasi.

00001000002

 

W/Q:-Bahiir Barre ALI 

Xafiiska | QaranimoOnline | Muqdisho 

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment