3150 Views

Xaladii ugu adkeed oo ka tagaan degamada Qasax Dheere ee Gobalka Baay

Xaladii ugu adkeed oo ka tagaan degamada Qasax Dheere ee Gobalka Baay
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | 17  Julay 2017 – Guddoomiye ku xigeenka Degmada Qansax dheere Cabdulle Xasan Saneey ayaa sheegay in Xaalad adag oo Macluul ah ay ka jirto degmada Qansax dheere.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dad badan gaajo darteed ay u dhinteen kuwa kalena ay hada ku sugan yihiin Xaalad adag.

Waxa uu sheegay in guud ahaan degmada Qansax dheere ay ka jiraan abaaro iyo Xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Waxa uu Hay’addaha gargaarka, Maamulka Koofur galbeed iyo Dowladda dhexe ugu baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro dadka dhibaateysan ee degmada ku sugan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay socdaan qorshayaal iyo howlgalo lagu furayo wadooyinka xeran ee soo gala degmada.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Baydhabo 

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment