2253 Views

Xarumaha garsoorka dalka oo la shaaciyey in ay burbursan yihiin

Xarumaha garsoorka dalka oo la shaaciyey in ay burbursan yihiin
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 17 Julay 2017- Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in ay burbursan yihiin Xarumihii Hay’addha Garsoorka Dalka ay ku shaqeyn lahaayeen.

Waxa uu sheegay in la dayacay Xarumihii Hay’addaha Garsoorka Dalka isla markaana Dowladda aysan ahmiyad siin dib u dayactirka Xarumaha.

Waxa uu sheegay in aysan awood u lahayn in ay la tartamaan Hay’addaha Garsoorka ee dowladdaha Caalamka.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in dib u dhis iyo dib u habeyn lagu sameeyo Garsoorka dalka si uu ula jaan qaado Caalamka iyo dunida Cusub.

Waxa uu Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dib u dhis weyn loogu sameyn lahaa Xarumaha Hay’addaha Garsoorka Dalka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ali 

Xafiiska Wararka  |Qaranimo Online  | Muqdisho 

_______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment