4239 Views

Baarlamaanka Puntland oo kalsoonida kala laabtay Xukuumada C/wali Gaas

Baarlamaanka Puntland oo kalsoonida kala laabtay Xukuumada C/wali Gaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL| 18 — Julay –2017– Warar dhowaan na soo gaaray ayaa sheegaya in , Baarlamaanka Puntland, codka kalsoonida kala noqday Golaha Wasiirada Madaxweyne C/wali Gaas, kaddib markii ay mooshin ka keeneen oo beryahaan la hadal hayay.

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay goor dhow ku yeesheen xaruntooda Garowe ayaa ku soo dhamaaday in codkii kalsoonida lagala noqday Xukuumadda C/Weli Gaas.

47 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 9 Xildhibaan ka aamustay, hal Xildhibaan uu diiday, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada inay tahay mid sax ah oo la aqbalay.

Kala noqoshada kalsoonida Wasiirada Cabdiweli Gaas, ayaa aheyd mid lama filaan ah, iyadoo tan iyo markii uu soo baxay mooshinka, wada hadalo lagu qancinayay Xildhibaanada inay joojiyaan.

Xaalad  ayaa kacsan  Magaalada Garowe, iyadoo dad badan ay isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo hadal haya tallaabada Baarlamaanka Puntland uu codka kalsoonida kala laabtay Xukuumadda C/wali Gaas.

C/wali Gaas, ayaa hada laga sugayaa inuu soo dhiso Gole wasiiro cusub oo mar kale u baahnaan doona in codka kalsoonida ka helaan Baarlamaanka Puntland, mar labaad.

Wixii dib u soo baxa kala socda qaranimo.com

.

W/Q:- Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment