3192 Views

Banaanbax ka socda degmada Balcad ee G/Shabeellaha Dhexe +Sawirro

Banaanbax ka socda degmada Balcad ee G/Shabeellaha Dhexe +Sawirro
____________________________________________________________________________

Jowhar | QOL | 18 Luulyo 2017 – Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayan in uu halkaasi ka socdo banaanbax ay dhigayan qaar ka mid ah Muruq maalatada degmadaas.

Dadka Banaanbaxan dhigayay ayaa waxaa ay yihiin Dadka Shaqeeya Qodida kanaalada iyaga oo sheegaya in ay banaanbaxooda uga soo horjeedaan talaabo uu kula kacay Agaasimaha Waraabka Biyaha ee degmada Balcad Ibrahim Dalfo.

Qaar kamid ah Banaanbaxayaasha oo La Hadlay Qaranimo .com xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe  ayaa waxaa ay sheegeen in ay Cabasho ka yihiin Agaasimaha Waraabka Biyaha Ee Degmada Balcad kuwaasoo ku Eedeeyay inuu Saakay kula Heshiiyay Mitirkiiba Lacag dhan 100 Kun oo Shillin Soomaali ah Balse waxaa ay Sheegeen inuu ka Laabtay Markii Dambe Go,aankaas Islamarkaana uu u Sheegay 1 kii Mitir 15 kun oo Shilin Soomaali ah.

Dhanka kale xiriir aan la sameynay Agaasimaha waraabka ayaanan noo suurtagelin si an wax uga weeydiino Eedeynta loo jeedinaayo.

002 003 00004 005 0006 0007 009

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Jowhar

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment