2727 Views

Diyaarad dagaal oo dad shacab ku duqeeyay duleedka Kismaayo

Diyaarad dagaal oo dad shacab ku duqeeyay duleedka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo   | QOL | 18 Luulyo 2017 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xalay ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid soo gaaray.

Diyaarad dagaal loo maleynayo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka oo uu leeyahay Mareykanka ayaa xalay fiidkii duqeyn ka geystay deegaan dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay sababtay dhimashada illaa shan ruux iyo xoolo u badan geella.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira saddex carruur oo gantaal kula dhacay guri ay ku jireen deegaan lagu magacaabo Qabri Shariif.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland oo ku aadan duqeyntan lagu laayay dadka shacabka ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa dhowr jeer oo horay duqeymo ka geystay Jubbada Hoose iyo gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay ku bartilmaameedsadeen Saraakiil ka tirsan Shabaab.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Kismaayo 

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment