2133 Views

Madxweynaha Maamulka Putland Oo Ka Hadlay kalsoonida lagala noqday Wasiiradiisa

Madxweynaha Maamulka Putland Oo Ka Hadlay kalsoonida lagala noqday Wasiiradiisa
____________________________________________________________________________

Garoowe | QOL | 18 Luulyo 2017 –Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo Madaxtooyada Garowe Saxaafadda kula hadlay, ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo go’aanka ay gaareen Baarlamaanka Puntland.

Gaas wuxuu sheegay muddo kooban inuu ku soo dhisi doono Golaha Wasiirada Maamulkiisa, isaga oo la tashan doona Madaxweyne Ku xigeenka.

Dastuurka Puntland Qodobkiisa 76-aad ayaa qaba in Madaxweynaha uu fursad u haysto muddo 21 cisho ah inuu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Dadka odorosa Siyaasada Puntland ayaa tani ku tilmaamay go’aan adag oo Xildhibaanada ay qaateen, sidoo kalena ay tahay fariin culus oo Madaxweyne Gaas ku socoto, hadii aanu wax ka bedelin hanaanka maamulka ee Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online Garoowe

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment