2877 Views

RW Khayre ayaa manta qayb ka mid ah waqtigiisa la qatay qaar ka mid ah shacabka Muqdisho

RW Khayre ayaa manta qayb ka mid ah waqtigiisa la qatay qaar ka mid ah shacabka Muqdisho
____________________________________________________________________________
Muqdisho | QOL | 18 Luulyo 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka duulaya qorshaha xukuumadda eek u aadan u adeegista shacabka ayaa galabta tagay mid kamid ah maqaayadaha kuyaala degmada Boondheere ee magaalada halkaasi oo uu kula kulmay dadweyne kaladuwan.

.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacbkii uu lakulmay weydiinayay aragtida ay ka qabaan waxqabadka Dowladda,isagoo sidoo kale dhageystay warbixino ku aadan talooyin ay u soo jeediyeen Dowladda. “Qaar kamid ah dadweynihii uu lakulmay ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri” waan ku faraxsanahay booqashadaada mudane ra’iisul Wasaare, ma filaynin waana ku soo dhaweyneynaa, waxaan ka codsanaynaa xukuumadda in ay si hufan ugu adeegto shacabka.
.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa kormeer kadis ah ku tagay wasaardaha Cadaaladda , iyo Awqaafta iyo arimaha diinta isagoo u kuurgalayay haubak ay u socdaan howlaha shaqo ee Wasaaradahaasi ay u hayaan bulshada.
.
Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigay sharciyo ay diyaarisay Wasaaradda kuwaasi oo kamid ah shuruucda ay Xukuumaddu u gudbinayso Baarlamaanka Soomaaliya.
.
rw-khayre-shacabka-5 rw-khayre-shacabka-3 rw-khayre-shacabka-2 rw-khayre-shacabka-1 rw-khayre-shacabka-4
.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment