2748 Views

Saraaakiil kasocta wadamo dhoowr ah oo kulamo la yeeshay Madaxweyne ku Xigeenka Koonfur Galbeed

Saraaakiil kasocta wadamo dhoowr ah oo kulamo la yeeshay Madaxweyne ku Xigeenka Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Baydhabo  | QOL | 18 Luulyo 2017 – Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay Dowladaha Burundi iyo Ingiriiska.

Saraakiishan ayaa horey waxa ay uga qeyb qaateen tababarida Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan iyo kuwo Koonfur Galbeed ah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa dadka ka soo barakacay Abaaraha ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii looga hadlay Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfdur Galbeed ayaa sheegay in ay wadaan qorshooyin laguhormarinayo howlaha guud ee ka soconaya deegaanada uu ka arimiyo maamulka koonfurgalbeed kuwaasi oo ay gacan ka gaysanayaan hay’adaha kaladuwan ee caalamaka waxa uu intaa raacsaday in taasi lagu tilmaami karo in ay koon furgalbeed dhabaha saartay wadadii guusha mana ahan markii ugu horaysay uu wafdi ceenkaan oo kale uu kulan laqaato kusimaha madxweynaha maamulka koon furgalbeed

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online Baydhabo 

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment