2454 Views

“AMISOM shan boqol oo shil ayay geysteen afar sano gudahood” waxaa cadeeyay Taliye Cali Gaab

“AMISOM shan boqol oo shil ayay geysteen afar sano gudahood” waxaa cadeeyay Taliye Cali Gaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 — July –2017– Cali Xersi,Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaanoTaraafiko, ayaa sheegay in shilalka ay geystaan Gaadiidka Ciidamada AMISOM uu aad u kordhay afartii sano ee u dambeysay, iyadoo habeen ka hor ay ugu dambeysay, markii mid ka mid ah gaadiidkooda uu mooto bajaaj ku jiiray Wadada Taleex ee xaafadda Hodan.

Jen.Cali Gaab oo la hadlayay Idaacada Dalsan ayaa sheegay in illaa shan boqol oo shil ay geysteen Ciidamada AMISOM, qaarkoodna ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac sida uu hadalka u dhigay taliyaha.

“Afartii sano ee la soo dhaafay gaadiidka AMISOM, wuxuu geystay illaa shan boqol oo shil oo ay qaarkood dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen, waxaa jira dad badan oo aan wali helin wax mag dhow ah”ayuu yiriTaliyaha.

Taliye Cali Gaab ayaa soo hadal qaatay dhowr shil oo ay geysteen AMISOM, oo ugu dambeeyay shil habeen hore dhacay, isla markaana aanay wax magdhow ah ka bixinin iyo codur daar toona.

“Habeen hore shilkii ka dhacay wadada Taleex, gaadiid AMISOM ayaa mooto bajaaj jiiray, khasaarihii ay geysteen waxay keentay in aniga iyo Guddoomiyaha Hodan inaan qeybsano oo aan bixino, kaddib markii in badan laga dooday”ayuu ku soo coobay warbixintiisa.

Waxaa uu sheegay in AMISOM aysan sharciga ka weyneyn, isla markaana lagula xisaabtami doono dhib kasta oo ay geystan, isagoo ugu baaqay dadka in aysan siyaasadeyn shilalka sida uu yiri.

Gaadiidka AMISOM ayaa sidoo kale shilal ka geysta meelo ka baxsan magaalada Muqdisho, waxaana shilalkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ila hadda lama hayo wax war oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM labadaba.

.

W/Q:- Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho 

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment