3012 Views

Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay oo Munaasabad ku qabsadeen Muqdisho

Ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay oo Munaasabad ku qabsadeen Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 — July –2017 – Ciidamada ilaalada ka ah Xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa munaasabad ay ugu dabaal dagayeen sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya ka howl bilaabeen kuna qabsadeen xarunta Xalane ee  ku taalla magaalada Muqdisho.

Munaasabadan an kor ku soo xusnay ee ka dhacday Xarunta Xalane, waxaa ka qaybgalay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaaliya, Amb. Michael Keating, Kuxigeenka Safiirka Uganda ee Somaliya, Amb. Nathan Mugisha, Saraakiil iyo masuuliyiin kale oo qaarkood ka socday DFS.

Michael Keating,Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Michael Keating, ayaa ciidamadan ku amaanay mudaddii sanadka aheed ee joogeen magaalada Muqdisho in ay wax badan qabteen , waxa uuna xusay in waxyaabo badan oo qabsoomeen inta ay qeyb ka ahaayeen ciidankan, balse weli howsho ay qabyo tahay.

Nathan Mugisha, Kuxigeenka Safiirka Uganda ee Somaliya, oo isna ka hadlay Munaasabadan ayaa amaanay ciidamada ilaalada Qaranada Midoobay , waxa uuna sheegay in Qaramada Midoobe uu ka rajeynayo inay kordhiso tirada Ciidamada Ilaalada ee Shaqaalaha Qaramada Midoobe ee ka jooga Soomaaliya.

Ciidamada Qaramada Midoobay ayaa sanad kahor la keenay magaalada Muqdisho waxa ayna ka socdaan dalka Uganda, Ciidankan ayay hawshoodu tahay ilaalinta xarumaha iyo shaqaalaha Qaramada Midoobe ee rayidka  ah ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho oo kaliya.

.

W/Q:- Ali Omar Ghedi

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment